C/raxmaan Sheekh Max’uud Faroole Madaxweynaha Maamul
Goboleedka Puntland ayaa wuxuu ka hadlay
dagaaladii ka kala dhacay
Magaalooyinka Gaalkacyo Iyo Kismaayo.
Dr.Faroole oo manata dib
ugu soo laabtay Magaalada
Garoowe, ayaa wuxuu sheegay
inay ka xun yihiin dagaaladii uu
dhiigga badani ku daatay ee ka
dhacay Magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay inaanu dagaal
laheyn wax faa’iido ah.
Sidoo Kale Wuxuu ku baaqay in dhinacyadii
ku wada dagaalamay Magaalada
Kismaayo, ay ka fogaadaan
dagaal dambe oo uu dhiig ku
qubto, lana soo afjaro xiisada
Magaalada Kismaayo Ka Taagan.
Faroole ayaa wuxuu dadkii ku
dhaawacmay dagaalada
Kismaayo qaarkood, sida uu
sheegay ay Puntland qeyb ka
qaadaneyso, sidii wax looga
qaban lahaa xaaladooda
caafimaadeed Waxa Uuna Dhanka kale Dr. C/raxmaan
Faroole uu ka hadlay
dagaaladii maanta ka dhacay
Magaalada Galkacyo, wuxuuna ku
eedeeyay inay ka dambeeyeen
kuwo uu ugu yeeray, inay ka soo
horjeedaan xasiloonida iyo
horumarka Puntland.
Wuxuu xusay Faroole in Dowlad Goboleedka Puntland, ay ku raad joogto kuwii ka
dambeeyay
dagaaladii uu dhiigga ku daatay
ee maanta ka dhacay Waqooyiga
Galkacyo Isagoona Sheegay Madaxweynaha Puntland inay meel wanaagsan
marayaan olalaha Xisbida ka
hana qaadaaya Puntland Sida Uu Sheegay Faroole.




