Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalo iyo duqeymo ay ka gaysteen Bay iyo Sh/hoose.

0
488

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay duqeyn ciidamadooda ay ka gaysteen garoonka diyaaradaha magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, weerarkaasi oo ay guula ka sheegteen.
Abuu Muscab ,wuxuu sidoo kale sheegay in shalay barqadii ay madaafiic kale ay ku garaaceen diyaarad doonaysay inay soo caga dhigato Garoonka Baydhabo.
“Qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaan weerarkaasi ku gaarsiinay ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo kuwa ridada ee ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo” ayuu yiri Afhayeenka Shabaab.
Isaga oo sii faah-faahinaya dagaalo kale oo ka dhacay Gobalka Shabeelaha hoose ayaa wuxuu sheegay in weerar dagaal ay ku qaadeen inta udhaxeysa Shalaambood iyo Janaale.
Dagaalka Janaale iyo inta udhaxeysa Shalaambood ay ku qaadeen ayuu sheegay inay ku dileen ciidamo ka tirsan maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa ayna gacanta kusoo dhigeen ilaa saddex ruux oo nool.
Majiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada al Shabaab.