Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xumaatay dagaaladii Maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Magaalada Kismaayo kuwaasi oo u dhexeeya Maleeshiyaad kala taageersan Barre Aadan Shire Barre Hiiraale iyo Sidoo kale Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe) oo sheegtay in uu Madaxweyne ka yahay Maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in dowladda ay aad uga xuntahay in dagaallo dad walaalo ah u dhexeeya uu halkaasi ka qarxo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale sheegay in Sooamaliland iyo Puntland ay ka wanaagsanyihiin Gobollada Koofureed ee dalka marka loo eego Amniga iyo kala dambeynta ka jirta.
Sikastaba Jubbooyinka ayaa waxaa ka dhacay dagaallo ay isku hardiyeen Garabyo ku loolamayay Maamulka Gobolladaasi inkastoo mid ka mid ah Garabyadaasi la sheegayo in taageero ay ka heshay Ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidamada Kenya ay uga saareen Kismaayo qeybihii kale ee ka soo horjeeday.




