Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad ( Indhacade) oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xaaladda Sheekh Xasan Daahir Aweys ay tahay mid aad u liidato kadib markii six un loo jirdilay intii ay socotay su’aalo la weydiinayay oo uu diiday in uu ka jawaabo.
Dhibaatada Jirdilka loo Geystay Sheekh Xasan Daahir Aweys ayuu Jeneraal ( indhacade) ku eedeeyay in uu ka dambeeyo Jeneraal Khaliif Axmed Ereg Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka ee Gobolka Banaadir.
Jeneraalka yaa ku eedeeyay dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qiyaano Qaran kadib markii uu ku ballan furay isagoo tibaaxay in taasina ay Sumcaddiisa wax u dhimeyso.
Xiriiro aan la sameynay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Gobolka Banaadir Jeneraal Ereg ayaan inoo suura gelin si aan wax uga weydiinno eedeymaha uu U jeediyay Jeneraal ( Indhacade).




