Gudoomiyaha gobolka gedo max’ed cali kaliil oo iclaamiyey dagaal ka dhan ah ciidamada kenya.

0
490

Maamulka gobolka gedo gudoomiye kaliil ayaa iclaamiyey dagaal ka dhan ah ciidamada dalka kenya oo maanta xasuuq, bililiqo,iyo kufsi ka geystey dagaal ka dhacey kismaayo,iyadoo la sheegayo dagaal dhexmarey ciidamada kenya iyo dad careysan laguna diley 7 askeri oo kenyaan ah.

Dagaalkan u dhaxeeya soomaalida iyo kenyaanka kana bilawdey gobolka gedo iyo xuduud beenaadka soomaaliya iyo kenya ayaa salka ku haya sida ay ciidamada kenya ula dhaqmeen dagaalo qabali ah oo ka dhacey j/hoose,iyagoona dhinac kamid ah dhinacyadii dagaalamayey la saftey.

Ciidamada dalka kenya oo markii hore soomaaliya kusoo galey in ay difaacayaan ciidda kenya markii danbana codsadey in lagu daro Amisom loona ogolaadey ayaaney dunidu war ka heyn danaha gaarka ah ee ay ka leedahey soomaaliya,waxaana soo baxaya warar sheegaya in durbaba ay cambaareeyeen midawga yurub sida ay u dhaqmeen ciidamada kenya ee qeybta ka ah Amisom.

Colaadan iyo dagaaladan cusub oo kenya iyo soomaaliya u dhaxeeya ayaa ah abid tii ugu horeysey waxeyna keeni kartaa mid waarta oo gudaha u gasha labada dal shucuubtooda.