Newyork oo safiir cusub ay soomaaliya u magacaabeyso.

0
524

Safiirki Qaramada midoobey u fadhiyey soomaaliya ayaa la sheegayaa in la magacaabayo safiir cusub oo soomaaliya u fariisan doona newyork, ayaa waxaa loo magacaabayaa baa la yiri Jabriil ibraahin cabdulle oo madax ka ahaa hey’adda CRD ee ka hawlgasha gudaha dalka soomaaliya taas oo madaxweynaha waqtigan xasan shekh maxamuud uu isaga laftiisu kamid ahaa hey’adda C.R.D.

Safiirkan cusub oo ah nin da’yar ayaa qeyb weyn ka ahaa ololihii doorashada waqtigii m/weyne xasan sheikh musharaxa ahaa,waana nin aad ugu dhexjirey xalinta khilaafaadka bulshada iyo beelaha dhexdooda ka dhacda,isagoo hey’adda C.R.D madax ka noqdey markii magaalada muqdisho lagu diley madaxii hey’adda allaha u naxariistee C/qaadir Yaxye.

Ninka laga bedelayo safiirka newyork soomaaliya u fadhiya ayaa isaguna ah ruug cadaa siyaasadeed oo in badan kusoo gudajirey dublamaasiyada,lama sheegin meel kale oo loo magacaabey,waxuuna kusoo beegmayaa isbedelkani iyadoo siyaasada arrimaha debeda ee dawlada xasan shekh ay xawli iyo hagaag ku socoto warkan lama shaacin si hoose iyo xuuraan ayaan ku helney waxna wey iska bedeli karaan.