Munaasabad Xaraga Looga Jarayey Xarunta Boostada Oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

0
526

Xaruntii Boostada ee
magaalada Muqdisho Ayaa Maanta Markale Xaraga Laga Jaray Taasi oo 22kii
sano ee lasoo dhaafay xirney.

Xaruntan Boostada ayaa waxaa dayactir
lagu waday bilihii lasoo dhaafay
waxaana maanta si rasmi ah
xariga uga jaray Ibraahim Isaaq Yarow Oo Ah Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta,
Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Munaasabada Xaraga Looga Jaray Xubnihii ka hadlay
ayaa waxaa
kamid ahaa Agaasimaha Xarunta
Boostada Abukar Maxamed oo
shacabka Soomaaliyeed ugu
baaqay in ay markale ka faa’iideystaan adeegyada
Boostada Isla markaana ay
200 Qofood Ay iska diiwaangeliyeen
xarunta si ay u furtaan
khasnadaha boostada loogu soo hagaajin karo sida uu
sheegay Wasiir kuxigeenka
Ibraahim Isaaq Yarow.

Sidoo Kale Ibrahim ayaa sheegay
in guul weyn Ay u tahay wasaaradooda iyo xukuumada
Soomaaliyeed inay markale dib u
furaan boostadii Soomaaliya
isagoona sheegay in waxqabadka
xarunta ay sii balaarin doonaan.