Maamulka Ximin Iyo Madaxda Dowlada Oo Ku Gor Gortamaya Gacan Ku Heynta Sh.Xasan Daahir Aweys.

0
529

Enginer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow) Afhayeenka Madaxtooyada ahna
La taliyaha Madaxweynaha
Dowladda Federalka ee Somaliya ayaa faah
faahin kooban ka bixiyay isa soo
dhiibida Sheekh Xasan Daahir
Aweys Wuxuuna Afhayeenka shaaca ka
qaaday in isa soo dhiibida
Sheekh Xasan Daahir, ay bilow u
tahay soo afjarida dagaalada ka
dhanka ah Al Shabaab.

Sidoo Kale wuxuu sheegay in Dowladda
Somaliya, ay diirada saareyso in
cid kasta oo Soomaali ah, oo ka
dhinac dagaalameysa kooxaha
Ajaaniibta ee Somaliya ka
dagaalameysa, inay la hadasho,
lana gasho wada hadal iyo dib u
heshiisiin.

C/raxmaan Cumar
Cismaan ayaa wuxuu ku cel
celiyay in qorshaha Dowladda uu
yahay, sidii loo suura gelin lahaa
dagaal dambe oo u dhaxeeya
Soomaalida dhexdeeda, inuusan
ka Dhicin Dalka Waxa Uuna sheegay in hadafka
Dowladda uu yahay dib u
heshiisiin iyo in laga gudbo
dagaalada dalka ka soconaaya wuxuuna xusay inay
dadaalo soconayaan.

Afhayeenka
Maamulka Ximin & Xeeb
Maxamed Cumar Hagafey, ayaa Dhanka Kale sheegay in Dowladda
Somaliya, ay kaalin ku lee dahay
wada hadalada ka soconaaya
Magaalada Cadaado, ee lala lee
yahay Sheekh Xasan Daahir
Aweys Isagoona cadeeyay in
Wasiirka Wasaarada
Gaashaandhiga ee Xukuumada C/
xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, uu si
toos ah uu qeyb uga yahay, Arinta ku aadan Sheekh Xasan
Daahir Aweys.