Afhayeenka barlamaanka prof. Max’d sheekh cismaan jawaari oo xubnaha barlamaanka u sheegey in ay u diyaargaroobaan hirgelinta nidaamka xisbiyada badan.

0
549

Gudoomiyaha barlamaanka maxamed shekh cismaan jawaari ayaa maanta u sheegey xubnaha barlamaanka soomaaliya in ay u diyaargaroobaan hirgelinta nidaamka xisbiyada badan si buu yiri dalku u helo madax cusub oo bulshada kasoo dhex baxda.

Prof.jawaari ayaa sidoo kale sheegey in xildhibaanki wax ka sheega madaxda dawlada isagoon u heynin wax cadeyn ah uu waayayo xasaanadiisa dacwadna lagu soo oogi doono,iyadoo hadalkan loo arko mid hoos u dhigaya hadalada hawada leysu mariyo marka shaqsi ama group xubnaha barlamaanku ay aragtidooda cabirayaan si ay uga hortagaan wax soo socda ama socda qaladaadkoodana bulshada loo ifinayo.

Hadalkan afhayeenka baarlamaanka ayaa imanaya iyadoo mar hore la filayey in la gudagalo nidaamka xisbiyada badan,isla markaana la sameeyo xeerka xisbiyada badan,si loo helo xisbiyo ku tartama codka bulshada dadkana u soo bandhiga fekerkooda siyaasadeed iyo hugaamintooda dalka waxaana la doonayaa in sadex sano kadib ay dalka ka dhacaan doorashooyin iyo tartan xaga xisbiyada ah hadii alle idmo.