Shir ay maanta isugu yimaadeen golaha xukuumada soomaaliya uuna shir gudoominayey r/wasaaraha soomaaliya cabdi faarah shirdoon ayaa waxaa lagaga hadley qodobo dhawr ah waxeyna isku raaceen in la magacaabo shan safiiro loo magacaabayo dalalka caalamka qaarkood sida kan ithiopia iyo dalalka afrika oo loo magacaabey Axmed c/salaam x/aadan talyaaniga iyo kuwo kale.
Markii shirku soo dhamaadey ayaa waxaa warbaahinta la hadley kana warbixiyey shirka golaha wasiirada wasiirka warfaafinta boostaha iyo isgaarsiinta cabdullaahi ciilmooge xirsi isagoo sheegey in laysku afgartey dhamaan qodobadii laga wada hadley,uuna shirku kusoo dhamaadey jawi wanaagsan.




