Shirkan oo uu soo gabangabeeyey m/weynaha jamhuuriyada soomaaliya prof. Xasan shekh maxamud ayaa socdey mudo sadex cisho ah lagagana hadlayey sare u qaadida tacliinta soomaaliya,waxaana shirkan soo qabanqaabiyey wasaarada adeega bulshada oo hadda lagu darey wasaaradii barbaarinta iyo waxbarashada isla markaana ay kusii dhex jirto wasaarad kale oo la oran jirey wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare qeybta tacliinta sare,iyadoo hidahana la geeyey tiyaatarka iyo warfaafinta.
Waxaaney dad badani qabaan in wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta iyo wasaarada hidaha iyo tacliinta sare looga dhigey labo wasaaradood ahmiyad tacliinta la siinayey hadana aysan mudneyn in lagu daro wasaarad taasina ay hoos u dhigeyso tacliinta dalka ayna tahey in wasaarada waxbarashadu ay noqoto mid si gaar ah u taagan.
Shirkan maanta m/weynuhu soo xirey ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ay sheegtey gabadha wasiirka ka ah wasaarada loogu yeero wasaarada adeega bulshada haweeneyda lagu magacaabo maryan qaasim axmed in hal milyan oo caruur ahi heli doonaan wax barasho bilaash ah iyadoon wasaaradeedu gacanta ku heynin hal iskuul oo wax lagu barto,waxeyna u muuqataa in hadalka wasiiradu yahey mid leyska yiri oo beeni xeyndaab u tahey ama qawda maqashi waxna haw u qaban.




