Wufuudan ka socotey dalka norway oo uu hugaaminayey nin la sheegey in uu hore uga soo noqdey dalkaasi r/wasaare ayaa waxey dabasocotaa dublamaasiyada iyo booqashooyin ay dalalka reer yurub beryahan ku imanayeen muqdisho.
Wufuudan ayaa waxaa garoonka diyaaraduhu ka duulaan kusoo dhaweeyey qaar ka mid ah madaxda dalka ugu sareysa,iyadoo gudoomiyaha barlamaanka jawaari oo dhawaan booqdey dalka norway la sheegey in lagala hadley arimaha badda soomaaliya,isla markaas ay booqashadani daba socoto sidii loo sii dhaqaajin lahaa xeer cusub oo badda soomaaliya yeelato,iyadoo badda soomaaliya waqtigan heysato xeer no.37 biyaha badeenuna ay yihiin 200ml balac ahaan halka ay norway ka dooneyso in lagu soo koobo 12ml taas oo bulshada inteeda badani ka hortimid.
Booqashadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xukuumadu dhawaan shaacisey in aan wada hadal laga geleyn badda soomaaliya oo barlamaanki dawladi kmg diidey,madaxweynaha dalkuna dalka ka maqanyahey,waxeyna dawlada norway dhawaan shaacisey in ay kabeyso miizaaniyada dalka soomaaliya.




