Ku Dhawaad 6 Ruux ayaa ku dhimatay
Weerarkan Oo dhacay maalintii
Talaadadii waxaase meydadka
qaarkood la helay shalay oo Arbaca Aheyd.
Weerarkaani Dadka ku dhintay ayaa waxaa kamid ahaa wiil iyo
gabar yar oo School ka yimid mana cada sababta rasaasta
loogu furay gaarigan Ay Saarnayeen dadka rayidka ah.
Taliyah Booliiska ee deegaankaasi ayaa
sheegay in aan lasoo qaban
kooxdii falka geysatay oo la
sheegay inay ku
dhuumaleysanayeen deegaanka
baadiyaha ah ee degmada
Mandhera oo saaran xadka u
dhaxeeya wadamada Kenya Iyo Soomaaliya.
Dhacdadaani Dhimashadada Sababtay Ayaan Aheyn markii ugu horeysay oo
weeraro noocaan ah ka dhacaan
magaalooyinka saaran xadka
labada wadan, waxaana horey u
jiray weeraro ay sheegteen Shabaabka oo lagu
qaaday tuulooyinka ku yaal
gudaha dalka Kenya ee u dhaw
dalka Soomaaliya, weeraradaasi
oo horey loogu dilay dad rayid ah
iyo askar ka tirsan ciidamada
Booliiska Kenya.




