Hay’adda WFP- Oo Ka Mid Ah Hay’addaha Hoostaga Qaramada Midobey Waxaana La Aas Aasay 1961-Waxaana Loo Aas Aasay Loona Sameyey In Ay Raashiin Gaarsiiso Aduunka Oo Dhan Meelaha Ay Ka Dhacaan Dhibaatooyinka Sida,Dagaalka U Dhaxeeya Dowladaha, Dagaalka U Dhexeeya Bulshada Dhexdeeda Iyo Musiibooyinka Dabiiciga Ah Waxayna U Xilsaarantahay In Qof Kastaaba,Nin,Naag Iyo Caruurba Uu Helo Dhamaan Waqtiyada Raashiin Uu Cuno Wexeyna Si Gaar Ah Wada Shaqeyn U Leeyihiin Hay’adda F.A.O, Oo Iyadana Qeyb Ka Ah Hay’addaha Qaramada Midoobey Xaruntoodana Tahay Magaalada Roma Ee Dalka Talyaaniga Oo Iyana Ay Wada Sheqeyn Sii Leeyihiin N.G.O,Dowli Ah Oo Lagu Magacaabo (IFAD) Waxaana Qiyaas Ahaan Loogu Talagalay In Ay Raashiin Kaalmo Ah Gaarsiiso 90-Million Oo Qof Kuwaasoo Ku Kala Nool 70-Dal Oo Ku Kala Yaala Caalamka Waxaana Ka Shaqeeya Shaqaalo Gaaraya 12-Kun Oo Qof.
Hadaba Marka Eynu U Soo Laabano Gudaha Dalka Soomaliya Su’aasha Taalo Ayaa Waxa Ay Tahay, Hay’adda (W.F.P) Ma Uga Howl Gashay Dalka Soomaliya Howlihii Loogu Tala Galay Mase Jiraan Duruufo Taagan Oo Ay Dadku Baahi U Qabaan In Laga Caawiyo Sida, Gaajada,Qaqriga Iyo Wixi La Mid Ah.
Dadka Intiisa Badan Waxay Ogsoonyihiin In Ay Dalka Soomaaliya Gudahisa Ay Ka Jiraan Dad Ay Daashadeen,Dagaalo Sokeeyo,Baahi Iyo Faqri Kuwaasoo Qaxooti Ku Ah Magaalooyinka Gudahooda Iyo Daafahooda Kuwaasoo Markii Ay WFP) Waxba Ka Wayeen Ka Tuugsada Dadka Dhexdooda Noloshoodana Ku Maareya Wax Ka Yar 0.5-$ Nus Doller Maalin Iyo Habeyn Halkaasina Waxaa Ka Cad In Somalia Gudaheeda Ay Ka Jiraan In Ku Dhow 7-Million Qof Oo U Baahan Kaalmada (W.F.P) Si Toos Ahna Ay Ugu Howlgali Karaan Iyagoo Horay Mar Marsiyo Ka Dhigan Jireen In Aysan Tagi Karin Goobaha Ay Maamulaan Shabaabka.
Hay’adda W.F.P) Ma Jirto Xukuumad Ay Weydiiso Qorsho Iyo Baahi Halka Ay Ka Jirto Dalka Gudahiisa, Ee Iyada Ayaa Geysa Meeshii Ay Doonto Raashiin Dhacay Oo Ku Halaaway Baqaaradooda Mana Jirto Cid Ku Kontrosha Howlaha Ay Qabtaan, Sidaas Daraadeed Waxay Filayaan Shacabka Soomaaliyeed In Ay Arkaan Xukuumad La Xisaabtanta Hay’addaha Dowliga Ah Iyo Kuwa (Q.M) Ee Ka Howlgala Dalka Gudaheeda Isla Markaana Dhiira Galisa Saxaafada Iyo La Xisaabtanka Hay’addaha Oo Aan Leenahay Idaacada (Radio SKY) Iyo Barnaamijka (Max’uud Carab) Waxa Ay Mudanyihiin In Ay Joogteeyaan Barnaamijkaasi, Si Ay Bulshada U Fahanto In Madaxda Hay’addaha Aysan Leheen Hantida Ay Ku Tagri Falayaan, Oo Ay Leedahay Bulshada, Laguna Saxanyahay In Laga Hadlo.




