War bixin ay soo saartay hay’ada xaquuda Aadanaha u dooda ee Human Rights watch ayaa lagu shegay in Barlamanka Somalia uu dar dar galiyo hanaanka mashruuca qaanunka xaquuqda Aadanaha,waxana loogu baaqay barlamanka Somalia in ay qabtaan kulamo ay xubnaha barlamanka ay kaga doodayaan arimaha xaquuqda aadanaha.
Gudiga barlamanka Somalia ugu xilsaaran xaquqda aadanaha ayaa war bixinta HRW waxa ay u soo jeedisay in dowr weyn ka cayaarto xal u helida dhibaatada xaquuqda aadanaha ee ka jirta Somalia sidaasi waxa sheegay ku xigeenka Afrika ee Hay’addaas.
Dastuurka KMG Somalia waxa ku xusan soo dhisida gudi qaran oo dhanka xaquuqda aadanaha ah sida ay 30-kii bishi may ay barlamanka Somalia u gudbisay wasarada garsoorka xukuumada Somalia..waxa jiri doonta in mar labada la aqriyo mashruucaasi kadibna waxa loo gudbin doona gudiga barlamanka Somalia ugu magacaban arimaha xaquuqda aadanaha haweenka iyo bini aadanimada.
HRW ayaa dhowr jeer waxa ay Somalia ka soo saartay xadgudubyada dhanka xaquuqda aadanaha ee Somalia ka dhaca sida dilk iyo kufisga oo masuuliyadeda dusha loga tuuray dhinacyada Somalia isku haya.
Intaasi oo dhan marka ay aragtay Hay,ada xaquuqada adaanaha HRW waxa ay soo jeedisay in lasoo dhiso gudi baara tacadiyadaasi xaquuqda aadanaha ka dhanka ah oo siyaasada Somalia lala xiriiriyay.
Xukuumada Somalia ayaa lagu booriyay in ay raacdo mashruuca qaanun e heshiski baris Qm ee ku aadan howsha gudiga qaranka xaquuda aadanaha,heshiska baris ayaa xusaya in hay,adaha qaranka xaquuqda adanaha la siiyo awoodo balaaran oo qof walba ay xog ay uga dhagesan karaan ayna tagi karaan goob walbo ay u arkaan in ay maclumad uga xiran tahay.




