Madaafiic xoogan oo xalay la isku weydaarsaday magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

0
498

Xoogaga Al-Shabaab ayaa xalay tiro madaafiic hoobiyeyaal ah ku weeraray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo kuwaasoo la sheegay iney qaarkood dad shacab ah khasaare nafeed u geysteen.
Madaafiicda ka hor ayaa waxaa la sheegay in iska horimaad kooban uu duleedka magaalada ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo hal dhinac ah iyo xoogaga Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday.
Lama oga khasaaraha dagaalkaas ka soo gaaray labada dhinac, hase ahaatee saraakiisha ciidamada dowlada ee halkaas ku sugan ayaa sheegay inuusan dhinacooda khasaare soo gaarin ayna iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday.
Xoogaga Al-shabaab ayaa dagaalkaas ka dib madaafiic ku weeraray xarunta WFP iyo saldhiga Booliska oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya, hase ahaatee qaar ka mid ah madaafiicdaasi oo ka weecday goobihii lala beegsanayey ayaa ku dhacay xaafado ay degan yihiin dad shacab ah, ugu yaraan sadex qof ayaa ku dhaawacmay kuwaasoo la dhigay isbitaalka magaalada Garbahaarey.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay iyana ky jawaabeen madaafiic kale oo ay ku duqeeyeen goobo ay tuhmayeen in madaafiicda looga soo tuuray oo ku yaala degaano kaa baxsan magaalada Garbahaarey, lamana oga haddii ay khasaare geysteen.
Xoogaga Al-shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey xoojiyey weeraro kala duwan oo ay ku qaadaan magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo oo labo sano ka hor ay kala wareegeen ciidamada dowlada Somalia oo kaashanaya kuwa Itoobiya, iyagoo haatan ku sugan meelo magaaladaas aan wax badan u jirin.