Gaalkaco oo Wali ay Ka Socdaan Ugaarsiga Culimada Iyo Weerarka Masaajidada Xili Maanta Lagu Dilay Shiikh Caan Ah
Posted On:
Wednesday 27 April 2011 (Warsom) Mogadishu
Waxaa Wali Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Ka Sii Soconaya Ugaarsiga Culimaa’udiinka Iyo Weerarada Ba’an ee Lagu Haya Masaajida Ku Yaala Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo
Sidoo Kale Wararka Naga Soo Gaaraya Magaaladaasi ayaa Sheegaya In Maanta Lagu Dilay Wadaad Caan ka ahaa Gaalkaco oo Lagu Magaacbi Jiray Shiikh Ibraahim Maxamed
Shiikh La Dilay ayaa waxa Uu Kutubka Naxwaha Ka Akhrijin Jiray Masaajid Ku yaala Gaalkacyo Waxa uuna Heyb ahaan ka Soo Jeeda Koonfurta Soomaaliya Gaar ahaan Bay Iyo Bakool
Dhanka Kale Markii Shiikhaan La Dilayaa Haddana waxaa Isla Xaafadda Shiikh Lagu Dilay Ka Dhacay Dil Kalae oo Ciidamada Maamulka Puntland ay U Geysteen Qof Ka Soo Jeeda Magaalada Gaalkacyo Waxaa Dilkaasi ka Dib Bilawdya Dagaal U Dhaxeeya Ciidamada Puntland Iyo Maleeshiyaad Ka Socda Beesha Ruuxii La Dilay
Si Kastaba Waxaa Sii Kordhaya Dilalka Qorsheysan ee Muddooyinkaani Ka Dhaca Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo ay gacanta Ku Hayaan maamulka Puntland Iyadoo Amni Darrada Halkaasi Ka Jirtana ay sababtay In Madaxweyne Faroole oo Xil ka Qaadis Ku Sameeyo Maamulka Magaalada Gaalkacyo
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(