Kulan ay yeelan lahaayeen m/weyne xasan sheekh iyo axmed madoobe oo dib u dhac ku yimid.

0
518

Wararka naga soo gaaraya nairobi ayaa sheegaya in uu fashilmey kulan ay yeelan lahaayeen m/weyne xasan sheekh iyo axmed madoobe oo sheegey in m/weynaha jubaland loo doortey.

Kulankan ayaa waxaa barbar socdey kulan lamid ah oo ay yeesheen m/weyneha puntland c/raxmaan sh maxamuud iyo m/weynaha federalka prof. Xasan sh maxamuud kaas oo isaguna aaney jirin wax la taaban karo oo kasoo baxey,waxaaney wararka qaar sheegayaan in ay is afgaranwaayeen kadibna m/weyne xasan shekh soo jeediyey in aanu axmed madobe kula kulmeyn kenya balse uu doonayo in ay ku kulmaan muqdisho,iyadoon diidmo iyo yeelid midna laga heyn sh axmed madoobe.

Kulamadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo kismaayo dagaal horleh ka bilawdeen,kuwaas oo aan la ogeyn waxa ay ku dhamaandoonaan,dawlada federalkuna ay ku dhawaaqdey in leysugu yimaad shir dib u heshiineed oo loo sameeyo dhamaan dhinacyada kismaayo isku haya,oo dhamaantood kala sheeganaya m/weyne goboleedyo jubaland ka arimiya.