Ciidamo ka wada tirsan dowlada Somalia oo ku dagaalamay degaano hoos yimaada gobolka Bay.

0
584

dagalDagaal ayaa barqanimadii maanta ka dhacay degaan lagu magacaabo Kurtun oo ku yaala inta dhexeysa degaanada Berdaale iyo Aw-diinle ee gobolka Bay kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada Somalia.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalkaas uu qarxay markii ciidamo ka soo kala baxay degmada Berdaale iyo magaalada Baydhabo ay isaga hor yimaadeen degaanka Kurtun kuwaasoo ka dibna kala shakiyey iyadoo dhinac walba uu dhinaca kale u maleeyey iney yihiin xoogaga Al-shabaab taasoo keentay iney dagaalamaan.
Labada ciidan ayaa waxaa halkaas ku dhexmaray dagaal socday muddo saacad ah oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala gedisan, waxaana markii dambe soo kala dhexgalay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowlada iyo AMISOM oo ka soo baxay magaalada Baydhabo. Ugu yaraan hal askari ayaa la sheegay inuu dagaalkaas ku dhintay halka dhowr kale ay ku dhaawacmeen, waxaana ciidamada dagaalamay ay doonayeen iney halkaas isku dhaafaan iyadoo dhinac walba uu u socday dhinaca uu ciidanka kale ka yimid.
Ma jiro illaa hadda war ku saabsan shilkan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Bay, hase ahaatee maaha markii ugu horeysay ee shil noocan ah oo ka dhex dhaco ciidamada dowlada ee gobolka Bay, waxaana loo aaneynayaa shilalka noocan labo arimood oo kala ah ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-Shabaab oo isla qaata dareyska milateriga oo isku nooc ah iyo iska warqab la’aan heysata ciidamada dowlada dhexdooda