Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay
inay gacanta ku dhigeen maxaabiis ka tirsan ciidanka
Amisom iyo taliye ciidan oo isla
Amisom ka tirsan kadib dagaalo
ay la galeen.
War Qoraal Ah Oo Ay Shabaabka soo dhigeen Barta Twitterka ay ka
isticmaalaan
ayaa waxa ay ku sheegeen in
dagaal ka dhacay duleedka
Magaalada Muqdisho ay ku dileen
ciidamo ka tirsan Amisom kuwa
kalena maxbuus ahaan ay
uqabsadeen.
“Al-Shabaab “ Ciidamada Mujaahidiintu waxay
dagaal habeenkii Sabtiga 31,May,2013 ka dhacay duleedka
Muqdisho ku dileen 14 askari
Yugaandheys ah waxaa kale oo
mujaahidiintu qabteen Maxaabiis
uu kamid yahay Taliyihii ciidanka
ee Saldhigga laweeraray” Ayaa
lagu yiri qoraalka Shabaab ay soo
dhigeen Twiterka.
Marka Laga Reerbo Qoraalkaasi Ayaanan Jirin cadeymo muujinaya ciidanka ay sheegeen inay dileen Shabaab
iyo kuwa ay qabsadeen ayaa
hadana waxa ay qoraalkooda ku
sheegeen in warbaahinta loosoo
bandhigi doono cadeymo muujinaya sheegashadooda.
Waxa ay intaasi ku dareen Al-
Shabaab in dagaalka ay kusoo
qaadeen deegaanka Calamada ee
duleedka Magaalada Muqdisho ay
ku qabsadeen sidoo kale saanad
milateri oo ciidanka Amisom ay
ka qabsadeen Balse Ma Jiro Wax War Ah Oo Ka Soo Baxay
Saraakiisha Amisom kaasi oo ku aadan
hadalada Shabaab kasoo yeeray
ee ku aadan inay dileen ciidamo
ka tirsan Amisom halka
maxaabiis iyo saanad milaterina
ay gacanta ku dhigeen.
Ururka Al-Shabaab ayaa si adag usii
balaariyay weerarada ay ku qaadaan ciidamada Dowladda
Soomaaliya iyo kuwa
Amisom,iyadoo Shabaab ay
muujinayaan awoodahooda ku
aadan dagaalka ay Ka Wadaan Soomaaliya.




