Ambasitor C/salaan Xaaji Axmed Liibaan Kusimaha
Xoghayaha Joogtada ah ee
Wasaaradda Arrimaha Dibadda
iyo Iskaashiga Caalamiga Shir Jaraa’id Uu Maanta Ku Qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda South
Afrika inay ka shaqeyso
badbaadada nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed.
Sidoo Kale Danjire Cabdisalaam waxa uu
xusay in dowladda Soomaaliya ay
wafdi u diri doonto wadankaasi ,
si wax looga qabto
dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida.
War-Saxaafadeed:-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda
iyo Iskaashiga Caalamiga ee
Soomaaliya , waxa ay aad uga
xun tahay dhacdooyinka
murugada leh ee lagu dilay , laguna dhaawacay
muwaadiniinteena,
hantidoodana lagu boobay intii
ay socdeen rabshado is xig-xiga
oo ka dhacay Magaalooyinka
Pretoria,Diepsloot iyo deegaanka
Booysens Park oo ka tirsan Port
Elizabeth ee dalka South Africa .
Wasaaraddu , waxa ay ka muujineysaa dareen naxdin leh
falka dhagaxa loo adeegsaday ee
lagu silac dilay 29 –kii May muwaadin Soomaaliyeed oo aan
waxba galabsan, goobtiisa
ganacsigana lagu boobay , si la
mid ah waxaa isla deegaanka
Booysens Park ee Magaalada Port
Elizabeth oo dhacdadani
argagaxa leh ay ka dhacday lagu
boobay dhammaan rugaha ganacsi ee Soomaalida.
Wasaaraddu , waxa ay dib u xusuusineysaa shacabka iyo
dowladda South Africa taageeradii gumeysi diidka
ahaa,taa badalkeeda aaney maanta fileyn Soomaaliya in
dadkeeda lagu gumaado wadankaasi oo loola bareero dil ,
kufsi, boob iyo barakicin ,
waxaan u aragnaa nasiib darro ,
qalbigeenuna wuxuu tiiraanyada
la wadaagayaa qoysaska iyo
dhibanayaasha Soomaaliyeed ,
sidaas darteed , Wasaaraddu
waxa ay ku dhawaaqeysaa
qodobadan :
1- Waxaanu garab taaganahay
muwaadiniinteena ku dhibaateysan dalka South Africa.
2- Waxaanu ka codsaneynaa
dowladda iyo shacabka South
Africa inay is garab- taagan dadka Soomaalida ah ee
wadankooda ku nool , ayna xil
iska saaraan badbaadada
naftooda iyo hantidooda.
3- Waxaanu ugu baaqeynaa
dowladda South Africa inay
gacan bir ah ku qabato
dhammaan dambiilayaasha
caadeystay falalka
bani’aadanimada ka baxsan ee fuleynimada leh ,kana dhanka ah dadka Soomaalida ah , ayna
horgeyso maxkamad , si loogu
xukumo ciqaabta dambiga ay
galeen.
4- Waxaanu ugu baaqeynaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool South Africa inay xushmeeyaan
sharciyada kala duwan ee ka jira
dalka South Afrika.




