Labadaani askari oo ka tirsaneyd
Ciidamada Dowladda ayaa waxaa
maanta siyaabooyin kala duwan
loogu kala dilay Degmooyinka
Hodan iyo Kaaraan ee Gobolka
Banaadir.
Askariga 1-aad ayaa waxaa lagu
dilay Degmada Kaaraan ee
Gobolka Banaadir, waxaana
dilkiisa geystay askari kale oo ay
ka wada tirsanaayeen Ciidamada
Minishiibiyada.
Labada askari ayaa waxaa la
xaqiijiyay inay wada murmeyn,
deedna ay xigtay dilka askariga la
dilay, iyadoo uu baxsaday kan
dilka geystay.
Askariga 2-aad ayaa waxaa lagu
dilay Isgoyska Bakaaraha,
wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada
Booliska ee agaggaarka Isgoyska
Bakaaraha.
Kooxo Ku Hubeysney Biskoolado Ayaa dilka geystay waxayna
isaga baxsadeen goobtii ay dilka
ka geysteen, iyagoo horey u sii
qaatay qori AK47 ah oo uu
watay, askarigaasi ka tirsan
Ciidamada Booliska.
Habeenkii Xalay ayay ahayd markii laba
askari oo ka kala tirsan
Ciidamada Qalabka Sida iyo
Minishiibiyada, siyaabooyin kala
duwan loogu kala dilay
Degmooyinka Dayniile iyo
Kaaraan.




