Al-Shabaab Oo Maanta Soo Bandhigtay Meydad Iyo Hub Ay Ka Soo Furteen Dowlada Kenya.

0
606

Ururka Al Shabaab ayaa wuxuu
gelinkii dambe ee maanta Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, Waxa Ay ku soo bandhigen laba kamid ah Saraakiisha Booliska ee Kenya
iyo hub, ay ku soo qabsadeen
weerarka toddobaadkii hore ay
ka geysteen Deegaanka Dhama
Jaaleey Ee Gobolkaasi.

Boqolaal shacab ah Oo ku dhaqan
Degmada Jilib, ayaa waxay galabta soo buuxiyeen
fagaarahaan, kadib markii gawaari lagu soo xiray cod
baahiye-yaal, ay dadka ugu
baaqeyn inay isugu soo baxaan Fagaaraha ayaa waxa ka muuqanaayay hub isugu jira,
qoryo, baaruuda laga sameeyo
walxaha qarxa, Isgaarsiinta ay
adeegsadaan Ciidamada iyo
agabyo kale.

Weerarka ay Shabaabku ku
qaadeen Deegaanka Dhama Jaaleey, ayaa waxay ku dileen tiro
ka tirsan Ciidamada Booliska ee
Kenya, kahor inta aysan gudaha
u gelin, ayaa waxay soo jiireyn
Ciidan ku sugnaa Kontorolka laga
soo galo Dhama Jaaleey, oo ku
taala Soodinta Somaliya iyo
Kenya.

Dowladda Kenya ayaa waxay
qiratay inay weerarkaan kala
kulantay khasaaro, iyadoo sidoo
kalana sheegtay inay baari
doonaan, halka ay ku
dambeeyeen Saraakiishii
weerarkaan looga qabsaday.