Madaxweyne Xasan Shekh iyo Faroole oo kulan ku yeeshay Magaalada Neyrobi.

0
589

Xasan Shekh

Xasan ShekhMadaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa kulan kedis ah ku yeeshay garoonka dayuuradaha Jomo Kenyata ee magaalada Nairobi maalintii shalay.
Xasan Shiikh iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka baxay shalay magaalada Muqdisho iyagoo Transit ku ahaa garoonka Jomo Kenyata ee magaalada Nairobi waxayna halkaas ku sugayeen dayuurad u qaaday markii dambe magaalada Tokyo ee dalka Japan.
Xasan shekh3Wararku waxay sheegayaan in madaxweynaha iyo wafdigiisu markii ay ka dageen Jomo kenyata airport ay si lama filaan ah halkaas ugu kulmeen madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo ka yimid magaalada Garowe kana horeeyey wafdiga madaxweyne Xasan Shiikh.
Labada nin ayaa laabta isgeliyey iyagoo halkaas isku weydaarsaday hadalo kaftan ah, waxaana siyaasiyiin goob joog ahaa ay sheegeen in kulankaas aan la iskula soo qaadin arrimo ku saabsan xaaladaha dalka, salaan iyo kaftan ka dibna madaxweyne Faroole iyo wafdigiisa ay u gudbeen gudaha magaalada Nairobi halka madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdigiisa ay iyana halkaas ka duuleen.
Dowlada Somalia iyo maamulka Puntland ayaa aragtiyo iska horjeeda ka qaba dhismaha maamulka Jubbaland ee gobolada Jubooyinka iyo Gedo, iyadoo C/raxmaan Faroole uu maalmo ka hor ka sheegay magaalada Garoowe hadalo uu ka dhaliilayo madaxweynaha Somalia.