Dowladda Soomaaliya oo Xaqiijineysa Ammaanka Maal gashtayaasha dalka

0
441

Ambasaddor AmerikaSafiirka Somalia u joogo dalka Kenya Ambassador Max’ed Cali Ameerika ayaa sheegay in dowladda Federaalka in ay taageereyso Ganacsatada iyo Maal Galiyeyaasha doonaya in ay Maal gashtaan dalka Soomaaliya.
Mr Ameerika ayaa Xusay in dowladda iyadu damaanad qaadeyso Xaqiijinta Ammaanka Maal galiyayaashaas daneenaya in ay Maal gashi ku sameystaan dalka Soomaaliya isagoo Carabka ku dhuftay in fursad weyn ay u tahay dad badan oo Soomaali ah in ay shaqo ka helayaan haddii Soomaaliya Maal gashi lagu sameeyo.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Max’ud C/Kariin Gabeyre oo isna tilmaamay in shirka ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayo sidii Maal gashi loogu sameysan lahaa Soomaaliya In ay ka soo qeyb galayaasha shirkaasi ay isku weedaarsadeen Talooyin Wanaagsan oo wax ku ool ah.
Mr Gabeyre oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray in ganacsatada iyo Maal galiyaasha ka qeyb galay shirkaasi iyo dadka Soomaaliyeedba ay fursad wanaagsan u tahay in dalka lagu sameeyo Maal gashi isagoo Rajo wanaagsan ka muujiyay in ay ka soo bixi doonaan shirkaasi heshiisyo kor loogu qaadayo dhaqaalaha Soomaaliya.
Shalay ayaa Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya waxaa ka furmay shir ay ka qeyb galeen wadamada Uganda,Kenya,dowladda Soomaaliya iyo Ganacsato iyo Maal galiyeyaal dalal kale ka socda kaas oo looga hadlayo sidii Soomaaliya Maal gashi loogu sameysan Lahaa.