Shirka maalgashiga soomaaliya ayaa soo gabangaboobey iyadoo ay isku maqaam uga qeyb galeen puntland iyo s/land waxaana wasiirka arrimaha debedda s/land maxamed cabdilaahi uu sheegey in uu hey’adaha qaramada midoobey uu kula kulmayey nairobi isagoo meesha ka saarey ka qeyb galka shirka maalgashiga soomaaliya oo isaga laftiisu uu uga qeyb galey isagoo maamulgoboleed ka socda.
Arimahan ayaa ah kuwo shaki gelinaya shacab ay afkaartooda fogeeyeen siyaasiyiin dano gaara ka leh gooni isutaaga s/land,waxeyna meesha ka saareysaa hamigii ay ku naalooyeen dad farabadan oo u dhintey u dhaawacmey ama dhaqaale ku bixiyey fekerka soo afjarmaya ee gooni isutaaga s/land.
Arrimahan ayaa imanaya iyadoo shir ka dhici doona turkiga loo balansanyahey kaas oo ay isugu imandoonaan soomaaliya iyo maamulka s/land,siyaasiyiinta ayaana u muuqda kuwo qaldaya shacbigooda,waana la arki doonaa waxa ay ku dhamaadaan wadahadalada u dhaxeeya soomaaliya iyo maamulka s/land.




