Masuul ka tirsan Jabhada Raskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday iney ka dambeysay talaabo shalay loogu diiday wasiiro ka tirsan dowlada iney gudaha ugu galaan magaalada Kismaayo kuwasoo maalintii 2aad ku xaniban garoonka kismaayo. Col. C/llaahi Cismaan Yalaxow oo ka mid ah masuuliyiinta Jabhada Raaskambooni ayaa sheegay in wasiirada ka socda dowlada ay doonayeen iney sii huriyaan xiisadaha ka taagan Kismaayo sidaa awgeedna ay uga hor joogsadeen iney galaan Kismaayo.
“Wasiirada aanu ku xanibnay garoonka Kismaayo waxay dab ku sii shidayaan mashaakilka halkan ka jira sidaas ayaana diidnay inay magaalada soo galaan, dowladda Soomaaliya iyadaa dhibaatada ka wada Kismaayo” ayuu intaa ku daray Col. C/llaahi Cismaan Yalaxow. Waxaa uu intaa ku daray ineysan marna u ogolaan doonin wasiiradaas iney gudaha u soo galaan magaalada Kismaayo, isagoo xusay iney halkaas ku xaninbaan doonaan fursada kaliya ee u banaan ay tahay iney dib ugu laabtaan Muqdisho.
Wasiirka difaaca iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirada warfaafinta iyo cadaalada ee dowlada Somalia oo shalay ka duulay Muqdisho ayaa xalay ku baryay garoonka dayuuradaha Kismaayo, ka dib markii loo diiday iney magaalada galaan, iyadoo ciidamada Kenya ay u sheegeen in aanay amaankooda sugi karin.




