Xalay saqdii dhexe ayaa dagaalo waxay ka dhaceen garoonka dayuuradaha magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogaga Al-Shabaab.
Daryanka qaraxyada iyo madaafiicda la isku adeegsanayey dagaalkaas ayaa xalay laga maqlayey magaalada Jowhar sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadweynaha ku nool xaafadaha degmadaas.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalku uu qarxay markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin nawaaxiga garoonka dayuuradaha Jowhar oo illaa 15km ka baxsan magaaladaas.
Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaas iyadoo uusan jirin war ku saabsan oo ka soo baxay labada dhinac ee halkaas ku hardamay, hase ahaatee magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda ayaa nabdoonaa tan iyo markii laga saaray Al-shabaab horaantii sanadkan.




