Axmed Madoobe oo ka soo horjeestay go’aanadii ka soo baxay shir madaxeedkii IGAD.

0
577

MaoobeAxmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe} oo ka mid ah Madaxweynayaasha maamulka Jubbaland ayaa jawaab kulul ka bixiyey go’aankii IGAD ka soo baxay ee lagu sheegay inaysan aqoonsaneyn maamulada looga dhawaaqay Kismaayo iyo hadalkii ahaa in dowladda Soomaliya ay xaq u leedahay inay maamul iyada u sameyso gobolada Jubbooyinka.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulka uu madaxda u yahay ee maamulka Jubaland uu ka xun yahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax walba xoogga ku saarto khalkhal ku abuuridda maamulka cusub ee Jubaland, isla markaasna ay sii wado falal ka dhan ah sida uu yiri Jubaland iyo beelaha ku wada nool, wuxuuna ugu baaqay madaxda IGAD inay xurmeeyaan rabitaanka dadka shacabka ah ee reer Jubbaland.

Sidoo kale Axmed Madoobe waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ka soo bixin 5-tii qodob ee horey u wada saxiixeen hogaamiyaasha dalalka IGAD ee ku aadanaa dib u xasilinta iyo la dagaalanka Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay IGAD in dhinacooda inaysan abuurin wax walba oo khalkhal ku keeni kara howlaha maamul u sameynta Jubbooyinka oo ah go’aan ay beelaha Soomaaliyeed si wadajir ah ugu gaareen sida uu yiri.
“Waxaan ka soo horjeednaa go’aankii IGAD ay ku sheegeen inaysan aqoonsaneyn dowladda Jubbaland ee aan Madaxweynaha ka ahay, waxaana IGAD ku taageeraynaa go’aankii ahaa in dowladda ay shirku saabsan Jubbooyinka qabato, waan ka qeybgaleynaa shirkaasi xittaa Muqdisho haddii lagu qabanayo” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay inay ka warhayaan dhibaato uu sheegay inay magaalada Kismaayo ka wadaan waftiyo isdaba joog ah oo gaaray magaalada Kismaayo kuwaasoo ka socda dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dowladdu ay amar ku bixisay in ciidankeeda ku sugan Kismaayo ay magaalada dagaal ka ridaan sida uu sheegay, wuxuuna intaasi ku daray markale inay ogyihiin in madaxda dowladda Soomaaliya ay Jubbooyinka ka wadaan qas aan qarsooneyn.