Wasiirkii hore Dastuurka Dowladdii kmg oo Maamulka Puntland ugu digay inay Taageraan Axmed Madoobe.

0
542

Xoosh JIbriilXubin ka mid ah Guddigii ay dowladda Soomaaliya u magacawday xal u hellidda arrimaha gobolada Jubbooyinka oo isagoo ku sugan Kismaayo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Kismaayo ku arkeen xaalad colaadeed oo aan la yareysan Karin, wuxuuna ka digay in lagu dul dagaalamo dadka shacabka ah, isagoo sidoo kale maamulka Puntland ugu baaqay inaysan taageerin doorashadii Axmed Madoobe ee Maamulka Jubbaland loo doortay.
Wasiirkii hore ee dastuurka dowladdii KMG aheyd, haatana ah xildhibaan Baarlamanka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Guddiga ayaa sheegay in loo baahan yahay wax walba in la waafajiyo dastuurka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in xal siyaasadeed laga gaaro xaalada magaalada Kismaayo.
Xildhibaan Xoosh ayaa sidoo kale cambaareeyay taageerada ay maamulka Puntland u fidisay magacaabistii Axmed Madoobe ee maamulka Jubaland, isagoo sheegay in habka loo sameeyay maamulka Jubaland uusan waafaqsaneyn dastuurka Federaalka, isagoo dalbaday in wax laga xumaado ay aheyd in maalintii ugu horeysay ee ay Kismaayo tageen lagu soo beegay magacaabista Axmed Madoobe iyo ku dhawaaqistii Col. Barre Hiiraale, wuxuuna xusay inay jiraan beelo badan oo aan ku qanacsaneyn shirkii ka dhacay Kismaayo ee lagu soo doortay Axmed Madoobe.
Dhinaca kale wafdiga ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya Kismaayo kula kulmeen wafdigii ka socday IGAD ee kormeerka ku tagay magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo waxaa ka taagan muran ku saabsan cida hoggaaminaysa maamulka Jubaland oo magaaladaas looga dhawaaqay, iyadoo ay xilkan isku haystaan shan ruux oo ay ku jiraan Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale, waxaana halkaas ka jirta xiisado haddii aan xal deg deg ah loo helina keeni kara dagaalo dhexmara qabaailka ay ka soo kala jeedaan siyaasiyiinta awooda ku loolamaya