Howlgalo Amaanka lagu sugayo oo Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay ka sameeyen Muqdisho.

0
562

HowlgalCiidamada dowlada Somalia oo isugu jira Boolis iyo nabad sugid gacana ka helaya kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo balaaran ka wada degmooyin xaafado iyo wadooyin ka tirsan gobolka Banaadir.
Howgalladan baaritaanada ah ayaa saaka ka socda xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir iyo wadada Maka Al-Mukarama, oo mudooyinkanba uu cadaadis badan saarnaa. iyadoo la joojiyay gaadiidkii mari jiray waddaadaas oo ah midda ugu mashquulka badan caasimada.
Howlgalkan ayaa saameyn ku yeeshay socodka, dadweynaha, gaadiidka iyo ganacsiga ka jiray wadada Maka Al-Mukarama iyo xaafada Buulo xuubey oo ka mid ah degaanada sida weyn loo degan yahay ee magaalada Muqdisho.
“Saaka markii aan toosnay waxaan aragnay askar xaafadaha dhexdooda jid jid u taagan oo mid mid u galaya guryaha si ay u baaraan, kuwasoo aan ogoleyn in guryaha laga soo baxo” sidaas waxaa tiri haweeney magaceeda ku sheegtay Asli oo ka mid ah dadka degaanka Buulo-xuubey.
Ciidamada ayaa la arkayaa iyagoo guri guri u baaraya dhamaan guryaha xaafadaha buulo Xuubey iyagoo xirxiray dhalinyarada iyo dadka ay ka shakiyaan.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in howlgalkan lagu qabqabtay dhalinyaro badan kuwaasoo lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin xoogaga Al-shabaab.
Saraakiisha ciidamada dowlada ayaan illaa hadda wax faahfaahin ka bixin qaabka ay u socdaan iyo tirada dadka ay ku soo qabqabteen howlgalkaas oo xalay gelinkii dambe bilowday, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah howgaladii ugu waaweynaa ee laga sameeyo magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa maalmo ka hor sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaabeen howlgalka balaaran oo la doonayo in lagu baaro dhamaan guryaha iyo dhismayaasha ku yaala magaalada Muqdisho sii loo xaqiijiyo amaanka.
“Howlgalladan waa kuwo lagu doonayo in lagu adkeeyo amaanka Muqdisho maadaama Al-shabaab markii looga adkaaday dagaallada tooska ah ay bilaabeen inay dadka argagax geliyaan,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.
Waxaa uu sheegay in go’aankan lagu baarayo xaafadaha Muqdisho uu yahay mid ay gaareen AMSIOM iyo dowladda Somalia, waxaana lagu qabanayaa ayuu yiri cid walba oo loo arko in ay ammaanka liddi ku tahay, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan amni.