Kolonyo ay la socdeen Ciidamada
Midowga Afrika ee Amisom, ayaa
waxaa maanta qarax miino
lagula beegsaday Magaalada
Caasimada ah ee Muqdisho Xilli kolonyada Ciidamada
Amisom ay marayeen Jidka
Warshadaha, gaar ahaan inta u
dhaxeyso Xarunta Wasaaradii
Gaashaandhiga iyo Ex Kulliyadii
Jaalle Siyaad, ayaa waxaa mid
kamid ah lala helay qarax miino,
oo horey loogu sii diyaariyay
wadada dhinaceeda.
Ilaa Iyo Haatan Lama Oga wax yeelada Ciidamada Amisom
ka soo gaartay qaraxaan, balse
dadka Deegaanka ayaa waxay
Warbaahinta u sheegeen in
qaraxu, uu burbur baahsan u
geystay gaariga.
Qaraxa kadib ayaa
goobta Waxaa isku gadaameen
Ciidamada Amisom, taasoo meesha ka saareysa in xog sax
ah laga helo, khasaaraha guud ee
Ciidamada Amisom Ka soo gaaray Qaraxa.




