Hogaanka Al-Shabaab Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Dhawaan Ka Soo Yeeray Sh.Xasan Daahir Aweys

0
530

Bayaan ka soo
baxay maanta qeybta
warfaafinta u qaabilsan
Xarakadda Al-Shabab ayaa
laguna baahiyay warbaahinta
Shabab ayaa waxaa lagu
sheegay in maalmahaan ay
Shababka dhexdiisa kasoo
baxayaan dad lagu sheega
Bayaan ka soo baxay maanta
qeybta warfaafinta u qaabilsan
Xarakadda Al-Shabab ayaa laguna
baahiyay warbaahinta Shabab
ayaa waxaa lagu sheegay in
maalmahaan ay Shababka
dhexdiisa kasoo baxayaan dad
lagu sheegay inay kala
jajabninayaan Al-Shabab.

Bayaanka Al-Shabab kasoo baxay
ayaa looga hadlay qoraallo
dhowr ah oo maalmihii lasoo
dhaafay baraha intenet,ka lagu
arkay kuwaasi oo lagu sheegayay
inuu jiro khilaaf ka dhex taagan
hogaanka Al-Shabab isla
markaana Jihaadka Soomaaliya
sida bayaanka lagu yiri uu
burbur halis ugu jiro sababo ku
aadan dhibaatooyin ka taagan
gudaha safka Mujaahidiinta sida
warkaan lagu qoray.

Warkaan Al-Shabab kasooo
baxay oo cinwaan looga dhigay
Muslimiinta oo looga digayo
dabinta Dhagar-wadayaasha”
ayaa waxaa lagu sheegay in
waayahaan ay Shabab dhexdiisa
kasoo baxeen wax uu bayaanku
ugu yeeray kooxo ujeedkeedu
yahay kala dhantaalista
dagaalada ay Shababku
Soomaaliya ka wadaan iyo bur
burinta maamulada Al-Shabab ee
qeybo k a mid ah dalka ka jira.

Al-Shabab waxay bayaankooda
maanta ku yiraahdeen “ waxaa
jira dhagar-qabayal dhantaalaya
safka Jihaadka oo meel kaga
dhacaya hoogaanka
Mujaahidiinta xumayana
xilkasnimada madaxda,
siyaasaddooda iyo xittaa
Islaamnimadooda iyo
Jihaadkooda.
“Muddooyinkii u danbeeyay
waxaa aragnay codka qaar ka
mid ah fitnawadayaasha oo sare
u soo baxay, kuwaas oo Umadda
khilaaf kala dhex dhigaya si
midnimadoodii loo waayo, oo
meesha uu ka baxo Jamacii iyo
Jamaacadii, inagoo og in
diinteedu ay reebtay kala tagga
iyo furqada Ayaa lagu yiri
bayaankaan Al-Shabab kasoo
baxay.

Xubnaha Al-Shabab iyo xubnaha
aan Soomaalida aheyn ee Shabab
la jooga ayay ugu baaqayaan
inaysan dhag jalaq u siin
hadalada kasoo baxaya xubnaha
kale ee hadalada waxaana lagu
yiri ““Waxba yaan la dhaawicin
kalsoonida aad ku qabtaan
hogaanadiina
Al-Shabab waxaa ay bayaanka ay
soo saareen sidoo kale ku
sheegeen in cid kasta oo khilaaf
ka dhex sameysa dhexdooda ay
u aqoonsan yihiin kuwa u
shaqeynaya cadawga shirqoolna
ay wadaan sida ku qoran
bayaankaan.

“Waxaan baraarujineynaa in
qoraalladii lagu baahiyay
bogagga qaar ee suurad
xumeynaya Jihaadka Soomaaliya
iney ahaayeen kuwo aad
xaqiiqada uga fog, oo been
abuurro laga buuxiyay ka dibna
loo adeegsaday xogaha qaar si
aan xaqiiqada aheyn, waxey
aheyd Xaqaa’iqda oo lagu
daboolayo xiqdi, uur-ku qaad iyo
wax jecleysi, ayaa lagu yiri qeybta
dambe ee bayaanka manta kasoo
baxay qeybta warfaafinta u
qaabilsan Al-Shabab.
Dhawaan xubno sar sare oo
katirsan hogaanka Al-Shabab oo
ay ka mid yihiin nin loo yaqaano
magacyo ay ka mid yihiin
Ibraahim Afghan Sh, Xasan
Daahir Aweys iyo xubno kale oo
ajaanib ah ayaa warqad ay uga
dacwoonayaan hogaamiyahooda
Axmed Cabdi Godane u diray
hogaammiyaha ugu sareeya
ururka Al-Qacida kadib markii ay
ku eedeeyeen inuu awood
maroorsi sameeyay.

Dhawaan Ayaa Sh, Xasan Daahir Aweys oo warbaahinta qaar la hadlayna waxaa uu sheegay in hogaamiyaha Al-Shabab uu dhibaato ku hayo Xarakadda
dhexdeeda.