Suuqyada Magaalada Bosaaso Oo Laga Joojiyey Isticmaalka Lacagta Shanta Boqol Ee Shilling Soomaaliga Ah.

0
482

Iyadoo sanadihii burburka oo dhan laga isticmaalayey lacagta shanta boqol ah ee dawladii hore ayaa waxaa hada isasoo tareysa in ay dadku diidaan ama ay ka horyimaadaan isticmaalka lacagtaas 500 ah.

Waxey aheyd naruuro ay heysteen dadka danyarta ah,hase yeeshee hada waxey u egtahey in ay la walaalawdo dalka intiisa kale ee ay lacagtiisu sarifka laheyn kun ayaa ugu weyn kun ayaa ugu yar.

Lama oga waxa waqtigan kusoo beegey diidmada lacagta shanta boqol ah iyadoo dhawaan la filayo in dalka ay soo gaarto lacago lagu sarifo kunka sida shanta shillin,tobanka,labaatanka ,kontonka iyo boqolka shillin.