Kadib Amar ka soo baxay M/weynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya Xasan
Shikh Maxamuud ayaa waxaa lagu furay Wadadooyinkii U Xirnaa Mudaddii 4-Maalmood Ciidamada Amaanka Gobolka Banaadir Taasoo Lagu Mamnuucay Isusocdkii Gawaarida Isaga Kala Gooshi Jirtay Isgoysyada Magaalada Muqdisho.
Inta Badan Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho Ayaa Waxa Ay Isticmaali Jirtay wadada weyn ee Maka Al-Mukarama taa Ka Mid Eheyd Goobaha Ay Saameynta Ku Yeelatay Xirnaanshaha Iyadoona maanta
ay tahay mid shacabka Muqdisho
ay u isticmaalayaan si caadi ah oo ka duwan 4 maalmood ee Aan Ka soo Gudubnay.
Gawaarida Ay Isticmaalaan Shacabka Muqdisho ayaa Maanta Lagu Arkayey Iyagoo Si Caadi Ah U Isticmaalayaan Wadooyinkii Xirnaa Wayeyna soo dhaweeyeen in dib loo furo Wadooyinka
Muhiimka u ahaa oo Kaa Oo U Xerneyd Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya.




