Gudaha Dalka Soomaaliya Ayaa Sanadkii la soo dhaafey Waxaa lagu diley Suxufiyiin kor u dhaafaya 20
suxufi, kuwaas oo siyaabo kala
geddisan loo beegsadey Iyadoona suxufiyiinta
guryahooda lagu diley iyo kuwa
qaraxyada ku dhintey ay marayaan 5 Suxufi.
Dilka Suxufiyiinta waxaa dheer,
hanjabaadda, cabburinta, xariga
iyo haleynta qalabkooda oo ay ku
kacaan dhamaan dhinacyada
Soomaalida, waxaa loo xiraa oo
xabsiga loo geeyaa si kabxsan sharciga, mana helan xuquuqda
dastuurku siinayo.
Waxaa Leeska Indha Tiri Karin in
ay qaldamaan suxufiyiintu waana ku kacaan,
laakiin weli ma dhicin Suxufi si
cadaalad ah loo mariyey sharciga
lana muujiyey qaladkiisa, Waxaana Ay Sameeyeen Maamulada Qaar Ee Ka Jira Soomaaliya In markay ugu yartahay Ay Muddo bil Ah geeyaan Xabsi Ama Loo Adeegsado Kooxo Dhiig Cabayaal Ah.




