Kadib kulan ay maanta ku yesheen magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya uuna shir gudoominayay R/waasre Cabdi Faarax Shirdoon ayaa la isku raacay in Agaasinmaha Haya’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka loo magaacaabo Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”.
Agaasimaha cusub ee hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka loo magacaabay Jeneral Bashiir Maxmad Jaamca ayaa ahaa wasiirka ku xigeenka Wasaaradda hormarinta Adeegga Bulshada.
Sidoo kale golaha wasiirada waxa ay isku raceen in Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed loo magacaabo General C/kariim Daahir Saacid.
Jeneral Saacid ayaa isna ahaa Taliye ku xigeen ciidamada Booliska waana sargaal haray uga tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed.




