Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud ayaa maanta Qudbad ka horjeeday fadhigii Baarlamanka ee Maanta isagoo ka hadlay xaaladaha Amaanka Dalka iyo Howlgaladii ugu dambeyay ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ay labadii maalmood ee ugu dambeysay ay ka wadeen magaalada Muqdisho.
Kulankii maanta ee Baarlamanka waxaa soo xaadiray 180 mudane waxaana jir guddoomiyay guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamanka Jaylaani Nuur Iikar, ajandaha kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxa uu ahaa dhagqeysiga warbixinada Madaxweynaha dalka.
Madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiim santaha amniga, xirnaashada wadooyinka Qaar ee Muqdisho, Cadaalada, midnimada Soomaaliya iyo arrimo kale.
Mar uu ka hadlayay madaxweynaha xirnaashada wadooyinka ayaa waxa uu sheegay in ay tahay howlgalo lagu sugayo amaanka waxa uuna intaasi raaciyay in dowladda ay ogtahay dhibaatooyinka ka jira wadooyinka xiran waxa uuna intaasi raaciyay in dowladda ay ka hortageyso dhibaatooyin loo geysto shacabka iyadoona la fashiliyay abaabulo la doonayay in lagu waxyeeleyo dadka shacabka ah.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaalada magaalada Kismaayo iyo mowqifka dowladda Soomaaliya waxa uunta xusay in kismaayo uu ka socdo shir lagu doonayo in lagu dhiso dowladda Goboleed iyadoona dowladda ay agoshahay in la sameeyo maamul goboleed.
“dowladda kama hor imaankarto dastuurka dalka balse maamul waliba oo la sameynayo waa in uu waafaqsanadaa nidaamka dastuurka mana ogolaan doono nidaam hal dhinac ah, waxaana rabnaa in shacabka iyo dowladda maamul ay ku qanacsantahay la dhisaa” ayuu yiri madaxweynaha dalka.
Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa ka hadlay shirka bishan May 7 lagu qabanayo magaalada London waxa uuna tibaaxay in shirkan uu ka duwan yahay shirkii hore loogana hadlayo sidii aduunka Soomaaliya u kaalmeynayo.
“Shirka London waxaa casuumadiisa Fidiyay aniga oo ah madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha dalka Britian waxaana uga hadleynaa Qorshaheena amaanka, cadaalada, maareynta maaliyada iyo aragtideena siyaasadeed ee la doonayo in dalka dib loogu hanto ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiiq.




