Puntland Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay In Ay Ka Qeyb Galidooni Shirka London,Baaqna U Jeedisay Dowlada UK.

0
481

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ugu
baaqday Dowlada UK In ay si weyn uga fiirsato xaqiiqda ka jirta gudaha dalka Soomaaliya iyo
awooda uu Dastuurka Federaalka
siinayo maamulada sida (Puntland) ee la xariira dhanka
Deeqda Beesha Caalamka,
arrimaha dhaqaalaha,
heshiisyada hoose iyo
heshiisyada Caalamiga ah,
arrimaha Amniga iyo Federaalka.

Puntland ayaa si adag
uga digtay isbedalada lagu sameeyey qodobada heshiisyadii
Roadmap-ka iyo Dastuurkii
Federaalka Soomaaliya ee la
ansixiyey 1dii Agoosto 2012,
kahor intaan la dhisin
xukuumada hada jirta Ee Xasan Sh.

Sidoo Kale Puntland ayaa sheegtay
in illaa iyo hada aysan soo gaarin
Casumaad Rasmi ah oo lagu casumayo shirka London, sidaa
daraadeedna aysan wax wafdi
ah usoo diri doonin shirka
London, balse Puntland ay
aragtideeda kusoo gudbin
doonto Qoraal ay usoo direyso
shirka furmaya 7da bishan May.

Hadalkaani Ka Soo Yeeray Maamulka Puntland Ayaa Imaanaya Xilli Madaxweyne
Xassan Shiikh Maxamuud Uu Dhawaan Garowe tagay kana
codsday Puntland inay shirka London kasoo qeybgasho,
iyadoo hada muuqato in Puntland ay sheegtay in qoraalkii
rasmiga ahaa ee casumaada
shirka London aan weli lasoo
gaarsiin.