Abu Mansur AL Imriki oo Sheegay inuu Dhaawacmay.

0
485

Cumar Xamaami oo loo yaqaanno Abuu Mansuur Al Amriki kana mid ah raga ugu cadcad Horjoogayaasha ajaanibta ah ee ka barbar dagaalama kooxda Al-Shabaab ayaa fariin uu soo dhigay Bogiisa Twitterka waxa uu ku sheegay in weerar lagu soo qaaday xalay uu dhaawac soo gaaray.
Al Amriki ayaa fariintiisa ku sheegay in sadex xabadood ay kaga dhacday qoorta islamarkaana uu gaaray Dhaawac xoog leh inkastoo uu xusay hadana inuusan sidaa u darneyn Waxa uuna intaa raaciyay in Al-Shabaab ay isku dayeen inay khaarajiyaan hase yeeshee uu ka badbaaday.
Horjoogahaan ayaa bogiisa Twitter soo geliyay dhowr sawir oo muujinaya dhaawaca kasoo gaaray Weerarka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen isagoo dhaawacan.
Sanadahan danbe ayaa waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka ragaadiyay Al-Shabaab oo ay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ka milkiyeen gacan kuheynta goboladii iyo degmooyinkii ay ku Dhuumaaleysanjireen iyadoo horjooge Abuu Mansuur Al Amriki uu horay u bixiyay digniino farabadan Oo ku aadan in la dili rabo maadama uu dhowr jeer oo hore banaanka usoo saaray khilaafka kooxda Kadhextaagan.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa iyagu horay isaga beri yeelay Horjooge Al-Amriki iyagoo xusay inuusan Matelin islamarkaana afkooda ku hadlikarin Balse waxa ay tani muujineysaa sida uu usii xoogeysanayo Gacan kahadalka Al-Shabaab dhexdooda ka aloosan.
Iyadoo weerarkanina uu kusoo aaday xili dowlada Mareykanka oo uu horjoogahan u dhashay ay siweyn U doon dooneyso iyadoo dul dhigtay cidii soo sheegta halka uu kusuganyahay ama xog la xiriirta isaga Malaayiin doolar.