Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Ingiriiska William Hague ayaa maanta oo qamiis ah ka furay Magaalada Muqdisho Safaaradda dalka ingiriiska markii ugu horeeysay muddo 22 sanno kadib.
UK ayaa maanta Muqdisho si rasmi ah uga furay safaarad,Britain waxay noqotay dalkii ugu horreeyay Midowga Yurub ee safaaraddoodii Muqdisho dib u fura.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK, oo maanta booqday Muqdisho ayaa safaaradda ka taagay calanka Britain oo magaciisu yahay The Union Jack.
Furitaankaan Safaaradda Ingiriiska uu ka furtay Somalia ayaa noqonayso dalkii ugu horeeyay ee Midowga Yurub oo safaarad ka Furta dalka Somalia waxaana ay kusoo aadaysaa iyadoo 7-da bisha soo aadan ee May magaalada London uu ka dhacaayo shir ay ka qeyb galayan qeybaha Somalida isla markaasna ay si wada jir u soo qaban qaabiyeen dalalka Somalia iyo Ingiriiska.




