Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, oo ka hor hadlayay baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in dawladiisu ay hadda u diyaar garooday inay gabi ahaanba ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya.
R/wasaaruhu waxaa uu sheegay in dawlada Ethiopia ay doonayso inay si buuxda ugala baxayaan ciidamadooda ku sugan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya kadib markii uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay waqti ku qaadatay inay kala wareegayaan goobaha ay ku sugan yihiin ee ay Shabab ka saareen.
Ciidamada ka socda midawga Africa ee AMISOM ayuu sheegay inay muddo sanad ah ku qaadatay inay kala wareegaan saldhigyada ay hadda uga sugan yihiin gudaha Soomaaliya sida uu yiri.
Dawladiisu ayuu sheegay R/wasaare Hailemariam inay iska bixioso dhaqaalaha ku baxa ciidamadooda isla markaana aysan jirin wax dhaqaalo ah oo ay ka helaan midawga Africa taasina ay qeyb ka tahay ka bixintaankooda Soomaaliya.
R/wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxaa uu sidoo kale sheegay inuu ku faani karo inay Xarakadda Al-Shabab ay wiiqeen oo ay ka saareen dhul badan oo ku yaala bartamaha iyo koofurta Soomaaliya waxaana uu intaa raaciyay inay hadda c iidamadooda dib ugu celinayaan xaduudaha.
Bishii hore ayay aheyd markii si lama filaan ah ay ciidamada Ethiopia uga baxeen degmada Xudur ee gobolka Bakool halkaasoo ay haatan Shababku maamulaan.
Ethiopia horey ayay sidaan oo kale u sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya iyadoona AMISOM ay sheegeen inay buuxin doonaan goobaha ay baneeyaan.




