Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon iyo xubno ka tirsan golahiisa wasiirada ayaa maanta booqday xarumaha ciidanka militariga ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho isla markaasna ay u kuur galayeen nolosha ciidanka.
Wafdiga Dr Saacid ayaa booqashadooda waxay ka bilaabeen xarunta wasaaradda gaashandhigga dalka Somalia oo dhawaan dib loo dayactiray waxaana halkaas ay ku arkeen ciidamo ka tirsan militariga dalka Somalia oo ku sugnaa xarunta.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa uu salaan ka qaatay ciidamo dhawaan lagu soo tababaray dalka Uganda isla markaasna dalka soo gaaray kuwaas oo haatan ku xaraysan xarunta wasaaradda gaashandhigga.
Taliyaha ciidanka Militariga Generaal Daahir Aadan Cilmi ayaa warbixin siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashandhigga Xaaladda guud ee ciidammada, isagoo sheegay in ciidammadan ay qeyb ka yihiin qeybbaha ciidammada Xoogga ee loo diyaariyey dib u dhiskooda.
C/kariin Xaaji Fiqi oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tilmaamay in ciidammadan in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka qaranka ee Difaaca dalka iyo dadka.
Dr Saacid ayaa Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay si dhab ah uga diyaar garobaan la dagaallanka argagixisada, dowladda Soomaaliyana ay ku dadaalleyso.




