Al-Shabaab Oo Bam Gacmeed Ku Weeraray Maqaayad Ku Taala Magaalada Beledweyn.

0
474

Weerar dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho dhaawac ayey Maleeshiyaadka argigixisada ah ee Al-Shabaab ku qaadeen maqaayad ku taala magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Weerarkan bamba gacmeedka ah ayaa waxa ay geysteen Maleeshiyaadka Al-Shabaab gelinkii dambe ee maanta oo Talaado ah waxaana ay ku qaadeen maqaayad ku taala bartamaha magaalada Beledweyn ayadoo maqaayada xiliga weerarka lagu qaadayna ay ku shaahayeen dad shacab ah.
Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku geeriyooday weerarkaasi Afar kalena waa ay ku dhaawacmeen ayadoo dhammaanna dadka wax ku noqday weerarkaasi ay yihiin dad shacab ah waxaana goobta ka cararay kuwa bamba gacmeedkaasi.
Ciidammada ammaanka ee magaalada Beledweyn ayaa durbaba bilaabay howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxaha weerarkaan geystay ayadoo howlgalkana laga sameeyey xaafado badan oo magaalada ku yaala.
Horey ayey sidaan oo kale maleeshiyaadka argigixisada ah ee Al-Shabaab bambaanooyin ugu weerareen maqaayado ku yaala isla magaalada Beledweyn ayadoo weerarradaasina ay sidaan oo kale ugu waxyeeloobeen dad shacab ah waxaana tani ay muujineysaa sida ay kooxahan argigixisada ah ugu howlanyihiin dhibaateynta shacabka.