Wariye Maxamed Ibraahin Raage oo Duleedka Muqdisho Lagu Aasay.

0
555

Waxaa goordhaweyd la aasay meydka Marxuun Maxamed Ibraahin Raage oo shalay qorax dhicii kooxo hubaysan ay ku duleen Gurigiisa oo ku yaalay Degmada Dharkeenley ee gobolka Banadir.
Aaska Marxuum Maxamed Ibraahin Raage ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyin ka tirsanaa Dowladda Somalia,Qeybaha Saxaafadda iyo eheladiisa.
Meydka Wariye Marxuum Maxamed Ibraahin Raage ayaa lagu aasay deegaanka Abay Dhaxan ama Baqdaad ee Duleedka Degmada Wadajir waana deegaan u dhow Jaziira.
Kadib markii la Aasay Meydka Alaha u naxariisto Maxamed Ibraarin Raage ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow oo ugu tacsiyadeeyay Dhamaan Eheladiisa iyo Bahda Saxaafadda uu ka geeriyooday isla markaasna sheegay inay dishay gacan ka gardaran ilaahna ay ugu baryayan Marxuum Maxamed Ibraahin Raage inuu ilaah ka waraabiyo Jannada Fardowso.
Dilalka Wariyaasha ayaa ah kuwo joogto ka noqday dalka Somalia iyadoo sanadkii lasoo dhaafay lagu dilay Somalia ku dhawaad 20 ka shaqeeenaysay howlaha warbaahinta.