Barlamanka oo Maanta Su’aalo Waydiinaya Wasiirka Gaashandhigga.

0
513

Waxaa lagu wadaaa in uu hortago Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wasiirka Gaashandhigga dowladda Somalia C/kariin Xaaji Fiqi si ay su’aalo ku weydiiyaan Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
C/kariin Xaaji Fiqi oo ah wasiirka gaashandhigga dowladda Somalia ayaa lagu wadaa in uu maanta hortago Barlamanka si ay su’aalo ku saabsan waxqabadka Wasaarada u weydiiyaan mudanayaal ka tirsan Baarlamanka.
Labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa barlamanka hortagay isla markaasna su’aalo weydiiyeen Ra’iisul Wasaraha iyo Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka.