Kooxo Hubeysan oo Askari dowladda ka tirsan Ku dilay Isgoyska Baar Ubax ee Muqdisho

0
483

Wararka ka imaanaya Xaafadda baar Ubax ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Nin Ku Hubeysan Bastoolado uu Toogtay Askari ka Tirsan Ciidanka Buliiska Soomaaliya oo Ku sugnaa Isgoyska Baar Ubax.
Goob Joogayaashu waxa ay Tilmaameen in ay Maqleen Rasaas kadibna ay arkeen Meydka Askarigaasi Ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyagoo Carabka ku dhuftay in Raggii dilka Geystay ay Goobta Isaga Baxsadeen.
Goob Joogayaasha oo Sababo Ammaan Magacooda U diiday iyo in Codkoodana Warbaahinta Laga sii daayo ayaa waxa ay sheegeen in Goobta isla markiiba ay soo Gaareen Ciidamo Ka tirsan Kuwa Ammaanka Dowladda Soomaaliya Kuwaasi oo Howl Gallo Ka sameeyay Isgoyska Baar Ubax iyo Nawaaxigiisa.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Nabad sugidda aya sheegay inay ku guulaysteen inay dilaan mid kamid kooxihii dilka fuliyay.
Isgoyska Baar Ubax iyo Nawaaxigiisa ayaa 24 kii saac ee ugu dambeeyay waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo qaarkood ay Geysteen Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Dowladda Soomaaliya