Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab laguna faafiyay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Afartii Bilood ee lasoo dhaafay ay Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Al-Shabaab laguna Magacaabo “Guutada Maxammad Ibn Maslamah” ay howlgallo qorshaysan ka fulinayeen Magaalada Muqdisho kaas oo lagu beegsanayay Madaxda, Saraakiisha iyo guud ahaan dadka ka shaqeeya Hay’ada Sirdoonka ee Dowlada Somalia .
Ciidamadaan ayaa waxay bilowgii Bishii Janaayo ee 2013 bilaabeen weeraro ay beegsanayeen Hay’adaha Ammaanka ee XukuumadaSomalia , kuwaas oo ay w
adamada Gaalada ah gaar ahaan kuwa reer Galbeedku soo tababareen, dhaqaalahana siiyaan una soo carbiyeen si ay u ilaaliyaan danaha Gaaladu ay dalkeena ka leedahay, isla markaana ay u dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tan iyo waqtigaas ay Guutadan ku guulaysatay in ay dilaan tiro gaaraysa 127 xubnood oo ka tirsan Sirdoonka Dowladda kuwaas oo isku jira Madax sar-sare, Shaqaale heer dhexe ah iyo Jawaasiis bulshada ku dhex jirtay , dilalkaas oo intooda badan ay ka dheceen Magaalada Muqdisho
Al Shabaab ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay in weerarada lixaadka leh iyo ugaarsiga ay ku hayaan Sirdoonka Dowladda ay keentay in ay si aad ah u daciifto awoodii ay Hay’adaha Ammaanku lahaayeen isla markaana ay awoodi waayaan in ay wax ka qabtaan shaqadii loo xilsaaray ee ahayd in ay Ammaanka Magaalada Muqdisho ilaaliyaan, sidaas daraadeedna ay halkaas ka dhalatay in inta badan madaxdii hay’adahaas ay shaqada iska Casilaan ayaa lagu yiri war saxafadeeda shabaab ka soo baxay .
“Weerarada xiriirka ah iyo Dhimashada faraha badan ee soo gaartay Laama amaanka waxay keentay in ay wiiqmaan Sirdoonka DF ayna shaqada iskaga Tagaan inta badan Madaxdoodii Sirdoonka , ilaa ugu dambayntii shaqada laga cayriyay Agaasimihii Nabadsugida Axmad Moallim Fiqi, ilaa iyo hadana ma jiro wax masuul ah oo xilkaas loo magacaabay”. Ayaa lagu sheegay qoraalka in kastoo Xilkaas uu la wareegay Agaasime Cusub .
Weerarada ay fulinayaan Guutada Maxammad Ibn Maslamah oo ah Ciidan markii ugu horeysey magacooda la maqlo ayaa lagu sheegay in ay qayb ka tahay dagaalka Jihaadka ah ee ay AlShabaab Soomaaliya kula jiraan Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Soomaalida Kuwaa oo wadankeena kala dagaalamaan Shareecada Islaamka ayna ka hirgeliyaan waxa loogu yeero Dimuquraadiyada ayaa AlShabaab ku Sheegeen War Saxaafadeedlaan




