Maamulka Tarsan oo bur buriyay Dhismooyin ku yiilay Magaalada Muqdisho kadib markii Ganacsatadii lahaa ay diideen lacag hal dollar inay bixiyaan maalintii.

0
480

Maamulka gobolka Banaadir ayaa degmooyin ka tirsan gobolka ka bilaabay howlo lagu burburinayo dhismooyin sharci daro ah oo laga dhisay wadooyin iyo suuqyo taasi taas oo ay ku sheegen inay muuqalka magaalada ay ku wanajinayaan.
Kadib markii uu maanta kormeer ku tagay qeybo ka mid ah dagmooyinka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” iyo xubno ay wehliyaan oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay kormeer ku tageen dagmooyinka War Dhiigley, Howladaag iyo Yaashqiid halkaas oo laga wado howlo lagu bur burinayo goobaha dad dan yar ah ay ku ganacsanayeen.
Dhismooyinka la bur buriyay aya ku yiilay agagaarka wadada 30-ka,Suuq Bacaad,iyo qeybo kamid ah degmada howl wadaag.
Dhanka kale maamulka dagmada Yaaqshiid ayaa baneeyay suuqo yar yar oo ka dhisnaa gudaha dagmada isagoona baneeyay wadooyin waa weyn kuwaas oo ay qaar ka mid ah ay dhisteen dad ganacsato ah.
Warar xog hoose ah oo laga soo xigtay mid kamid ah ciidanka ilaalada Deegaanka ee loo yaqaanno Minishiibiyada aya sheegay inay bur burintaan ka dambeysay kadib markii ganacsatada deganaa goobaha ay maamulka ku tilmaameen kuwo sharci darro ah ay horey u diideen inay bixiyan lacag dhan hal dollar maalintii oo la micno ah inay maamulka gobolka Banadir qaab kiro ah ugu qaadi rabeen.