Waxaa maanta laga xusey meelo kala duwan oo gudaha soomaaliya ah iyadoo dadka soomaaliyeed ay inta badan garawsadeen in aan hada wixii ka danbeeya loo baahneyn in la jaro dhirta tobanka sano ee soo socotana la doonayo in la talaalo geedaha.
Waxaa soomaaliya ku yaraadey roobabki waxaana si aad u daran loo dhoofiyey dhuxul farabadan,taas oo afar laab ka badan inta gudaha dalka lagu isticmaalo dhuxul ahaan,xarunta xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigey halku dhegyo tilmaamaya in la dhawro dhirta iyo dhiirigelinta talaalka dhirta,iyadoo laga codsadey dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u daneeyaan deegaanka iyo noolaha ku dhex nool.
Munaasabadan ayaa sanadkiiba hal mar lagu muujiyaa leyskuna dhiirigeliyaa in dhir la beero,lagana baaqsado amase la yareeyo jaridda dhirta,maahan markii ugu horeysey ee maanta oo kale ay dadka soomaaliyeed isku wacyi geliyaan in la illaaliyo dhirta.




